Xukuumadda & Ganacsatada Somaliland oo ka Qayb-galay Carwo-ganacsiyeedka 12aad ee Ethiopia

Addis Ababa (aftahannews):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cismaan Siciid oo ay weheliyaan ganacsato kasoo jeeda Somaliland, ayaa ka qayb-galay xidhitaanka Carwo-ganacsiyeedka 12aad ah ee Ethiopia oo caawa lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Addis Ababa.

Munaasibadda loo qabtay xidhitaanka xafladda kaddib, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgeshiga iyo Ganacsatada reer Somaliland ee ka Qayb-galay, waxa ay kulamo gooni-gooni ah la yeesheen Xubno ka mid ah Dowladda Federaalka Ethiopia oo ay ka mid yihiin Wasiirka Shaqo-gelinta Mr. Nigussu Tilahun Gebreamanuel Iyo guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Ethiopia Mr Melaku Ezezew.

Sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay waaxda xidhiidhka dadweynaha ee Wasaaradda Horumarinta Maalgeshiga, Weftiga Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland, waxa kale oo ay isla caawa kulan casho ah la qaateen Xubno ka tirsan Rugta ganacsiga Ethiopia, waxaanay ka wada-hadleen sii xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada waddan.

Warku waxa uu intaas ku daray in weftiga Agaasimaha Guud ay sidoo kale kulamo la qaateen ganacsatadii ka qayb-gashay Xafladda xidhitanka Carwada oo isugu jiray ganacsato iyo maal-gashadayaal u dhashay Ethiopian iyo kuwo ajaanib ah oo qayb ka ahaa Carwada, kuwaas oo isaga kala yimi qaaradda Afrika iyo caalamka.

Hirgelinta Kulamadan waxa kaalin weyn ka qaatay Safaarada Somaliland ee dalka Ethiopia, sida war-saxaafadeedka lagu sheegay.

Carwada Ganacsi ee Dalka Ethiopia (Ethio-Chamber International Trade Fair) oo toddobaadkii u dambeeyey ka socotay magaalada Addis Ababa, waxa ka qayb-galay qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland, waxaana bilowgii furitaanka carwo ganacsiyeedka Ethiopia kala qayb-galay oo socdaal ugu baxay Addis Ababa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgeshiga Maxamed Cismaan Siciid oo Xukuumadda Somaliland metalayey.