Natiijada Shirar Hargeysa ku dhexmaray Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland iyo Wufuud ka Socda Caalamka

Hargeysa (aftahannews):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha ee Somaliland, Maxamed Cismaan Siciid, ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay wufuud kala duwan ka kala socday dalka Sweden iyo hay’adda caalamiga ah ee IFC oo hoos timaadda Baanka Adduunka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgeshiga oo uu waheliyo Agaasime-waaxeedka Cilmi-baadhista ee wasaaradda, waxa uu xafiiskiisa maanta ku qaabilay Saraakiil sare-sare oo ka socda hay’adda Swedfund oo Dowlada Sweden u qaabbilsan maalgalinta dalalka soo koraya, sida lagu sheegay war kooban oo ka baxay wasaaradda.

Warku waxa uu intaas ku daray in kulanka ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socday shirkadda Shuraako oo fududaysa arrimaha maalgashi iyo helitaanka Maaliyadeed ee maalgelinta ganacsiga muwaadiniiinta.

“Arrimaha lagu gorfeeyay kulankan waxaa ka mid ah sidii kor loogu qaadi lahaa helitaanka maaliyadeed ee muwaadiniinta, fursadaha maalgashi ee dalka iyo waliba sidii cilmi-baadhis loogu sameeyn lahaa fursadahaas,” sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay wasaaradda Maalgeshiga.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgeshiga Somaliland waxa uu isla maanta kulan kula qaatay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa wefti ka socda Hay’adda caalamiga ah ee IFC (International Finance Corporation) oo ah waax ka tirsan Bangiga Adduunka oo qaabilsan maaliyadda ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay wasaaradda Maalgeshiga iyo wershadaha ee Somaliland, Ujeeddada kulanka ayaa ahayd bilowga xidhiidh wada-shaqayneed oo wasaaradda la yeelato hay’adda IFC.

“Waxa la isla gartay in si wada jir ah loo dadaalo loona diyaariyo jewi ku haboon maalgashiga mustaqbalka ee Somaliland sida samaynta xeerar ku haboon maalgashiga, waxaanu shirku ku soo dhamaaday guul iyo is-afgarad,” sidaas ayaa lagu sheegay war kooban oo wasaaraddu ka soo saartay kulanka dhexmaray weftiga ka socday hay’adda Caalamiga ah ee IFC.

Kulammadan wasaaraddu maanta la yeelatay labada wefti, ayaa qayb ka ah dedaallada wasaaraddu ugu jirto kor u qaadista fursado maalgeshi oo Somaliland ka hesho caalamka iyo sidii xukuumaddu u hirgelin lahayd siyaasad qeexan iyo xeerarka Maalgeshiga dalka oo suurta-gelinaya in maalgeshadayaashu ku soo dhiirradaan dalka.