Rag loo maleynayo Al-shabaab oo weeraro ka geystay gudaha Kenya

Nairobi (Aftahannews)- Ciidamada Ammaanka Kenya, ayaa howlgallo ballaadhan ka wada Mandheera, Wajeer, Lamu iyo qeybo ka mid ah ismaamulada Kilifi, ka dib weeraro is xig xigay oo rag loo maleynayo Al-shabaab ay halkaasi ka fuliyeen.

Rag hubeysan, ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Kenya oo marayay wadada isku xidha Bura iyo Gaarisa ee uu ka socdo dhismaha, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Sidoo kale, raggan hubeysan, ayaa weerar kale ku qaaday gaadhi nooca xamuulka qaada oo ay la socdeen shaqaale shiinays ah oo wada dhismaha wada isku xidha Gaarisa iyo Buri ee dalka Kenya.

Raggan, ayaa halkaasi ku gubay gaadhiga xamuulka, waxaase weerarkaasi ka badbaaday shaqaalihii Shiinayska ahaa oo iyaga iyo ciidamo ilaalinaysay baxsadeen.

Saraakiisha ammaanka Kenya, ayaa sheegay in weeraradan isdaba socday ay ku dhaawacmeen Askar ka tirsan Ciidamada Kenya, isla markaasna la geeyay goobaha Caafimaadka ee magaalada Gaarisa.

Ragga weerarka qaaday oo aan illaa hadda la garaneyn tiradooda, ayaa goobta isaga baxsaday.