Xasan Sheekh oo shuruud ku xidhay wadahadal uu la galo Al-Shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in uu wadahadal la gali doono ururka Al-Shabaab marka uu ka adkaado kaddib.

Wareysi uu siiyay Wargayska “the economist” ayuu kaga hadlay qorshaha dowladdiisa ee ku aaddan sugidda amniga, xilli Al-Shabaab ay weerarro ka gaysato meelo kala duwan oo ka mid ah Soomaaliya, oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah.

Al-Shabaab oo gacan-saar la leh ururka Al-Qaacidda, ayaa sidoo kale maamusha qaybo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka Al-Shabaab

Wakhtigii hore ee madaxweynennimada Xasan Sheekh Maxamuud, ka hor inta aanu xilka ku wareejinin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa Al-Shabaab dib looga qabsaday magaalooyin muhiim ah.

Balse, madaxweynaha soo laabtay ayaa aaminsan in dagaalka uu halkiisa ka sii socon doono, sida uu dhowr jeer ka sheegay fagaareyaasha.

“Inta badan degmooyinkii aan xoraynay dib ayay gacanta ugu galeen Al-Shabaab,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku yidhi wareysiga uu siiyay wargayska caalamiga ah.

“Dowladdii hore wax qorshe ah uma ayna haysanin in ay la dagaallanto Al-Shabaab,” ayuu yidhi.

Al-Shabaab, ayaa la sheegaa in ay dhaqaale xoog leh ka qaadato ganacsatada Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamaa kooxda ugu taajirsan dhammaan kooxaha xulafada la ah ururka Al-Qaacidda.

In muddo ahba waxaa la isla dhex marayay in kooxdan ay canshuuro ka qaadato ganacsatada maxalliga ah, sida ay shaaciyeen warbaahin uu ka mid yahay isla wargayska uu la hadlay madaxweynaha. Waxa ay sidoo kale leeyihiin maxkamado iyo maamullo u qaabbilsan adeegyada aasaasiga ah.

“Al-Shabaab waxay dowlad ka dhex samaysatay dowlad kale,” ayuu yidhi Madaxweynaha.