Zelenskyy oo sheegay in Ruushku qabsaday, 20% dhulka Ukraine

Keiv (Aftahannews)- Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay qabsadeen qiyaastii 20% dhulka Ukraine iyada oo maalinta berri ee Jimcaha ah ay u buuxsamayso maalintii 100aad ee ay ciidamada Ruushku wadaan duullaanka ay ku soo qaadeen dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine oo Khadka isgaadhsiinta ee la iska arko khudbad ugu jeediyey baarlamaanka Luxembourg, ayaa sheegay in Ruushku uu dagaal joogto ah ka wado bariga dalka Ukraine, gaar ahaan dhul cabbirkiisu le’egyahay illaa kun kiiloomitir.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in dhulka haatan gacanta ugu jira ciidamada Ruushku inuu le’eg yahay dhul baaxad ahaan u dhigma bedka dalka Holland.

Madaxweyne Zelensky ma aanu sheegin inta uu le’eg yahay dhulka uu Ruushku qabsaday, tan iyo markii uu billowday duullaankiisu bishii February 24-keedii.

Moscow waxay qabsatay Jasiiradda Crimean ee Ukraine sannadkii 2014-kii, sidoo kale jabhado goonni u goosad ah oo Ruushku uu taageero ayaa qabsaday qaybo ka mid ah gobolka Donbas ee ku yaalla dhinaca bari ee dalka Ukraine.

Ukraine, ayaa sheegtay Khamiistii maanta in ciidamadeedu ay dib u qabsadeen 20 magaalo iyo tuulooyin yar yar oo ka tirsan gobolka Kherson oo ku yaalla qaybta koonfureed ee dalkaas.

Dhanka kalena, ciidamada Ruushka, ayaa sii waday weerarka ay ku hayaan Sievierodonetsk, oo ah magaaladii ugu dambeysay uguna weyneyd gobolka Luhansk ee ku jirtay gacanta Ukraine.

Barasaabka gobolka Luhansk Serhiy Haidai, ayaa sheegay in Ruushku uu gacanta ku hayo 70% magaalada, iyadoo dagaallo culus ay ka dhaceen waddooyinka.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AFP, Reuters iyo AP