Xisbiga Kulmiye oo Midowga Yurub u sheegay in doorashada Ururradu dhacayso 2022-ka

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ahna Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa la kulmay Wafti ka socda Midowga Yurub oo dhexdhexaadinta khilaafka Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi u yimi dalka, waxaanu u sheegay in doorashada Ururrada Siyaasadda Somaliland la qabanayo sannadkan aynu ku jirno 2022-ka.

Waftigan oo hogaaminaysay Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Tiina Intelmann ayna wehelinayeen Safiirka Dalka Sweden u fadhiya magaalada Nayroobi ee dalka Kenya Ambassador Per Lindgärd iyo La-taliyaha siyaasada ee Midowga Yurub Maria Groeneveld. Kulanka oo Wasiir Kaahin ay ku wehelinayeen Wasiir Kuxigeenka Amniga Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Agaasimaha Guud ee Amniga Ibraahim Cali Ismaaciil iyo Lataliyaha Wasiirka ee dhinaca Xidhiidhka Hay’adda Siciid Yusuf Cabdi Siciid.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed, ayaa u sheegay wefdiga in xasilooni iyo nabadgelyo buuxda (Ilaahay mahadii) ka jirto Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana sheegay in horumar ballaadhani ka socdo dalka, taas oo ay saldhig u tahay wax-wada-qabsi iyo iskaashiga shacabka iyo Xukuumadda.

Dhinaca kale, Wasiir Kaahin, ayaa shaaca ka qaaday inay Somaliland sannadkan u diyaargaroobayso qabashada doorashada Ururrada, oo furmi doona bishan June, maaddaama oo ay tahay sharci in tobankii sannadood mar la furo Ururrada, sidoo kalena diyaar u tahay Xukuumaddu qabashada doorashooyinka ka dambeeya.

Wefdiga Midowga Yurub, ayaa dhinacooda Somaliland ku ammaaneen horuumarka iyo nabadgelyada ay ku tallaabsatay, isla markaana diyaar u yihiin inay Somaliland kala shaqeeyaan horumarka iyo nabada, kulankaasina isfaham ku soo dhamaaday.