Somaliland: Ciidamo isku hareereeyay xafiiska xarunta Xisbiga WADDANI

Ciidammada Booliska Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa sheegay in aannay jirin cid hor istaagi karta in ay taageerayaashoodu sameeyaan isu soo baxa ay ku baaqeen, sidaa waxa shaaca ka qaaday Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Dhaqdhaqaaqa, ayaa si weyn looga hadalhayaa Somaliland, wuxuuna murrashaxa xisbigaa si cad qoraal koobban oo saacadihii u danbeeyay uu soo saaray ku sheegay in aannay marnaba ka baaqsayn dalabkooda si ay u muujiyaan dareenkooda.

“Bannaan-baxa iyo muujinta dareenka Shacbigu waa xaq Dastuuri ah, waana uu dhacayaa cid xaq u leh oo is-hortaagi kartaana ma jirto, qorshihii iyo diyaar-garawgii isu soo baxa nabadeedna sidiisii ayuu u socdaa. Hay’addaha amniga waxaa ku waajib ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta oo uu ka mid yahay xaqa cabbirka ra’yiga iyo bannaan baxuba” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, wuxuu digniin u diray ciidamadda, isagoo yidhi, “ Ciidamadda qalabka sida ee Qaranka JSL waxa aan uga digayaa in ay ku milmaan murranada siyaasadda ee Xukuumadda xilkeedu sii dhammaanayo ee ay dalka ka waddo. Ciddii gaysata gef iyo xad-gudub waxaa ka dhalan doona ciqaab iyo isla-xisaabtan, Shacabka & Sharciguba midna saamixi maayo.”

Murrashax Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in dalka isbedel ka dhacayo, isagoo yidh, “Dhawaan waxaa dhalan doonna isbeddelka Shacbigu hoggaaminayo “

Hase yeeshee qoraalka murrashaxa kaddib waxa soo baxday in Ciidamada Somaliland isku xeereen xarunta guud ee xafiiska xisbiga mucaaradka ugu weyn ee WADDANI, iyadoo laga cabsiqabo in mudaharaadku maalinta Khamiista ee beri uu ka dhaco Somaliland.

Jamaal Jaamac Xaamud oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, ayaa warbaahinta u sheegay in xafiiska lagu wareejiyay ciidamo, wuxuuna ka digay in xaaladda looga sii daro, “waxa ciidamo lagu xeeray xafiiska xarunta guud ee Xsibiga, waar dalka haynaga burburina” ayuu yidhi, ku xigeenka xoghayaha guud ee WADDANI.