Xisbiga Waddani oo hal arrin ku eedeeyay Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in aanu waxba kala socon xaalada sicir-bararka.

Xoghayaha Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay noloshii ku qaaliyowday, isla markaana waxa uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu aaminsanyahay in wax mushkilad ahi anay jirin.

Waxaa uu ku andacooday in madaxweyne Biixi iyo noloshii ay kala go’een, isaga oo tusaale usoo qaatay qudbadii uu madaxweynuhu ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Somaliland.