Komiishanka Tamarta Somaliland oo ka hor yimid qiimo kordhinta Shirkadaha Korontada

Hargeysa (Aftahannews)- Koomishanka Tamarta ee Somaliland, ayaa waxaa ay si weyn uga hor yimaadeen qiimo kordhintii ay sameeyeen shirkadaha korontada ee magaalada Hargeysa.

Waxaanay koomiishanka tamartu soo saareen amar ay ku hakaniyaan qiime kordhin shirkadaha korontadu ay sameeyeen.

Koomishanka Tamarta, ayaa sidoo kale bulshadda ugu baaqay in aanay bixinin lacagta ay shirkadaha korontadu kordhiyeen.

Hoos ka akhriso bayaanka koomiishanka tamarta

No photo description available.