Wefdi ka socda Midowga Yurub oo la kulmay dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Wefdi ka socda Midowga Yurub, ayaa waxaa ay kulamo gooni gooni ay la yeesheen dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliland ee ku aadan arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Wefdi ka socda Midowga Yurub, ayaa waxaa ka mid ah safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann, Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.

Wefdiga Midowga Yurub, ayaa waxaa ay kulan la qaateen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mid ah xukuumaddiisa, iyagoo ka wadahadlay muranka ka taagan doorashooyinka Somaliland oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

May be an image of 5 people, people standing and indoor

Kulanka weftiga Midowga Yurub iyo Madaxweyne Biixi, ayaa lagaga wadahadlay abaaraha ku soo wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan Abaarta ku soo noq-noqotay Somaliland iyo sidii ay midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka iyo kor u qaadidda  iskaashiga Somaliland iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha waxa ku wehelinaayey kulankaasi wasiir ku xigeenka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibeda, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac  iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bille.

Dhinaca Kale, wefdiga Midowga Yurub, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan xisbiga.

May be an image of 6 people, table and indoor

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, waxaana uu Guddoomiyuhu uga warramay xaaladda guud ee dalka iyo tan la xidhiidha Doorashooyinka, waxaanu u sheegay in ay ku adag yihiin sidii Doorashadii madaxtooyadu ugu dhici lahayd wakhtigeedii 13-November ee sannadkan.

Waxaanu intaasi ku daray in arrinta Ururradu tahay mid aan xilligeedi la gaadhin oo lagu carqaladeenayo Doorashada Madaxtooyada.

Sidoo kale, hoggaanka Xisbiga Waddani, ayaa maanta kulan la yeeshay Wefdiga ka socday Midowga Yurub iyo & Safiirka SWEDEN.

May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor

Kulankaasi ayuu Xisbiga waddani ku sheegay in Midowga Yurub ay welwel iyo walaac ka muujiyey khilaafka siyaasadeed ee dhex yaala Xukuumadda talada haysa iyo Asxaabta Qaranka, gaar ahaanna arrimaha la xidhiidha doorashooyinka.

Xisbiga WADDANI, ayaama waxa uu Safiirrada u caddeeyey mawqifka xisbiga oo ku aadan in ayna jirin doorasho kale oo ka soo horrayn karta Doorashada madaxtooyada ee 13 November 2022 iyo in xukuumaddu komishanka doorashooyinka qaranka ka dayso fara-gelinta iyo cadaadiska, si ay waajibkooda sharci u gutaan, sida oo kale In ay lagama maarmaan tahay in xubnaha iska casilay loo soo buuxiyo si dhakhso loogu bilaabo diiwaangelinta codbixiyayaasha. 

Kulamadan dhexmaray Midowga Yurub, Madaxweyne Biixi iyo Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka, ayaa ku soo beegmaya xili xal aan laga gaadhin khilaafka la xidhiidha Arimaha Doorashooyinka ee ka dhex oogan Xukuumada iyo xisbiyadda mucaarad.

Dooda mucaaradka, ayaa ah in doorashada wakhtigeeda lagu qabto, taas oo ku beegan 13-ka November 2022, waxayna ku eedeeyeen Madaxweyne Biixi inuu ku howlan yahay muddo kororsi.