Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka hadlay muranka hadheeyay kursiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Muqdisho (Aftahannews)- Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay muranka hadheeyay kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kadib markii uu dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay ergeyga u qaabilsan dhanka bani’aadanimada.

Xildhibaanadan, ayaa si weyn uga dooday arrinka Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo qodobka 59-aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in xildhibaanka uu waayayo xubinimadiisa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, haddii uu qabto xil aan ahayn wasiir.

“Dabcan Dastuurka, sida uu sheegayo qodobka aad sheegtay ee 59-aad wuxuu qaban karaa xildhibaanku xil wasiir kaliya, wixii intaas ka soo hadhana wuxuu ku waayayaa xubinimadiisiii,” ayuu yidhi mid ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Seynab Caamir oo sidoo kale ka mid ah baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, ayaa iyaduna ka hadashay muranka hadheeyay kursiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayan si guud u sheegtay in xildhibaanka, haddii uu qabto xil aan ahayn wasiir uu waayay xubninimadiisa.

“Xildhibaanka Soomaaliyeed ee ay shacabka soo doorteen wuxuu xilkiisa ku heyn karaa, haddii uu noqdo wasiir oo xildhibaan iyo wasiir ayuu isku noqonayaa, laakiin marka meel kale loo doorto ama agaasime haloo doorto ama safiir haloo doorto xilkiisii wuu waayey kaas, waa inuu booska banneeyaa,” ayay tidhi xildhibaan Seynab Caamir

Xildhibaan kale oo ka tirsan golaha oo isna soo hadal qaaday dooda taagan, ayaa sheegay in ambassador iyo ergey ay yihiin arrin gooni ah, balse loo baahan yahay in dib loo eego arrintan, si la’isku waafajiyo qodobka 59-aad ee Dastuurka KMG ah iyo magacaabistan.

“Runtii ambassador iyo ergey waxaan isleenahay waa arrin ka gooniya aanan ka mid aheyn xilalka sida tooska ah loogu magacaabay meesha inuu qofka ka mid noqoneynin, laakiin waa qodob gooniya oo hoos loogu eego mudan,”.