Uhuru Kenyatta oo guul ka sheegtay dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab

Nairobi (Aftahannews)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa waxaa uu guul weyn ka sheegtay dagaalka ay dowladdiisu kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Uhuru, ayaa shaaciyay inay ka adkaadeen kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab, islamarkaana ay ka hortageen weeraradii badnaa.

”Waxaan fahansanahay in haddii ay amni darro jirto aan la gaadhi karin horumar dhanka nolosha iyo ganacsiga ah, sidaas daraadeena aan dadaal badan bixinay kana adkaanay kooxaha argagaxisada ah,” ayuu yidhi Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in dowladdiisu ay dadaal xoog leh gelisay sugidda amniga xuduudaha dalkiisa, taasina ay keentay inay hoos u dhacaan weerarada Al-Shabaab.

Uhuru Kenyatta, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la qalabeeyay ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa la dirirka argagixisada, si ay uga falceliyaan weerarada kooxda Al-Shabaab.

Hadalka Madaxweynaha Kenya, ayaa ku soo beegmaya, iyada oo inta badan ay Kenya ka dhacaan weeraro ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab oo inta badan ka dagaalama deegaanada u dhow xadka Soomaaliya.