Wasiiro muslim ah oo ka mid noqday golaha wasiirada Australia

Australia (Aftahannews)- Xisbiga Shaqaalaha ee dalka Australia oo dhowaan ku guulaystay doorasho ka dhacday dalkaas, ayaa golihiisa wasiirada wuxuu ku soo daray laba xubnood oo muslimiin ah, waana taariikhda markii ugu horraysay ee golaha wasiirada ee dalkaas ay soo galaan laba qof oo muslin ahi.

Waxaa ka mid ah wasiirka dhalinyarada, Annie Ali iyo wasiirka warshadaha Ed Husik oo noqday wasiirradii ugu horreeyay ee Muslim ah ee ka mid noqda dowladda dalkaas.

Balse Annie Aly, ayaa noqotay wasiiraddii ugu horreysay ee Muslim ah ee dowladda Australia ee ku dhaarata Kitaabka Qur’aanka.

Dowladda federaalka ee Australia, ayaa la rumeysan yahay inay tahay tan ay ku jiraan dadka ugu badan ee kala duwan marka la eego dowladihii hore.

Annie Ali, oo ah xildhibaan ka soo jeedda Galbeedka Australia, waxay markii ugu horreysay Xisbiga Shaqaalaha ka mid noqotay iyadoo shaqaale ah, kaddibna waxay xubin ka noqotay midowga xisbiga haatanna waxay noqotay wasiirad.

Mar ay ka hadleysay warbaahinta kaddib dhaarteedii, ayaa Dr. Annie Ali waxay tidhi, “Inaan noqdo wasiir marna kama mid ahayn qorshahayga nolosha.”

Dr. Ali, ayaa markii hore ahayd haweeneydii ugu horreysay ee ka mid noqota baarlamaanka Australia, haddana waxay noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah ee wasiir ah.

Ani Ali waxay ku dhalatay Masar. Markii ay laba sano jirtay ayay qoyskeeda u soo guureen koofur-galbeed magaalada Sydney.

Ani waa 55 jir, waxayna ahayd bare sare kahor inta ayna ku biirin siyaasadda. Waxay sidoo kale baadhitaan ku sameysay ‘argagixisada’.