Hay’addaha Samafalka oo ka digay tirada dadka ay soo foodsaarayso macaluusha ka jirta Geeska Afrika

Nairobi (Aftahannews)- Hay’addaha samafalka, ayaa ka digaya tirada dadka ay soo foodsaarayso macaluusha ka jirta gobolka Geeska Afrika inay gaadhayso illaa 20 milyan oo qof, marka la gaadho dhammaadka bisha September ee sannadkan, haddii aan jawaab xooggan laga bixin abaaraha adag.

Digniintan ay soo saareen hay’addaha samafalku, ayaa timi, iyada oo markii afraad oo isxigta ay gobolka ka di’i waayeen roobabkii la filayey.

Gobolka Geeska Afrika waxaa ka jirta abaartii ugu xumayd ee soo marta muddo ku siman 40 sano, waxayna sababtay inay dhintaan in ka badna 7 milyan oo xoolo ah oo ku kala nool dalalka Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya.

Yuusuf Guure oo ka mida bulshada Soomaalida ah ee deggan gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa sheegay inuu xaaladda abaareed ee jirta inuu ku waayey 294 neef oo adhi ah.

“Weligay maan arag abaar sidan u daba-dheeraata, abaar baabi’isay baadkii ama daaqsintii, oo keentay in xoolihii ay waayaan waxay quutaan” ayuu yidhi, isaga oo intaas sii raaciyey “Xaggee baad ka helaysaan lacagta aad ugu iibinayso, waxa ay quutaan (xooluhu) marka aanad wax shaqo ah haynin”.

Shashwat Saraf waa agaasimaha xaaladaha degdegga ah ee hay’adda IRC u qaabilsan gobolka Geeska Afrika, wuxuu sheegay in bulshooyinka xoolo dhaqatada ah ee ku nool Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya inay dareemayaan saamaynta daran ee abaarta, wuxuuna sheegay in malaayiin qof ay geeddi ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen biyo, cunto iyo baad ay xoolahooda siiyaan.

“Waxaan aragnaa in 60% illaa 100% dadka qaarkood ay xoolo beeleen, taasoo ah tiirdhexaadkii bulshada, waxayna waayeen ishii ay kala soo bixi jireen nolol maalmeedkooda”.

FILE - Haweenay Soomaali ah oo ku soo bara-kacday abaaraha ka jira Soomaaliya
FILE – Haweenay Soomaali ah oo ku soo bara-kacday abaaraha ka jira Soomaaliya

Hay’adaha samafalku waxay sheegeen in laga soo bilaabo badhtamihii sannadkii 2021-ka, in saddex meeloodow meel ay dhinteen xoolihii noolaa ee Soomaaliya, iyo weliba illaa 3.6 milyan oo neef ah oo ah xoolaha nool ee dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Alyona Synenko, oo ah afhayeenka gobolka ee guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka ugu badan ee ay abaaruhu sida xun u saameeyeen, iyada oo dalkaasi uu la daalaa dhacayo xasilooni darro soo jiitamaysay soddonkii sano ee ugu dambeeyey.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ee UNOCHA, ayaa sheegay in Soomaaliya ay halis ugu jirto macaluul, in ka badan 80,000 oo qofna ay soo food saartay gaajo darani. Masuuliyiintan, ayaa sidoo kale sheegay Salaasadii in nafaqo-xumada ba’ani ay ku soo badani saddexdan dal, iyada oo si gaar ah khatar ugu ah nolosha caruurta.

Xigasho: VOA