Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaadhay Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Wediga Madaxweynaha, ayaa ka soo kicitimay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, waxayna toos uga dageen garoonka Dhuusamareeb, oo uu ku dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo qaybaha kula duwan ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa safarkiisani wuxuu noqonayaa kiisii labaad ee uu ku gaadho Galmudug.

Ujeedka safarka Madaxweynaha, ayaa ah mid uu diirada ku saarayo maamulladii taabacsanaa Maxamed Farmaajo, ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka xog wareysan doona xaaladda deegaanka.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale u kuur geli doona xaaladda Dhuusamareeb, wuxuuna booqan doonaa meelaha muhiimka ah ee magaalada oo ay dhowaan dagaallo ka dhaceen.