Somaliland oo shaacisay in aanay diyaar u ahayn dagaal ay la gasho Puntland

Wasiir Maxamed Kaahin

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumada Somaliland, ayaa ka hadashay ciidamo mamulka goboleedka Puntland gaysay magaalada Buuhoodle, iyadoo sheegtay in aanay diyaar u ahayn in ay ciidanka la dagaalanto.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ku sugnaa barnaamij dadweynuhu su’aalo ku waydiinayeen, oo wax laga waydiiyay ciidamada, ayaa sheegay in Somaliland ay dhowrayso badqabka shacabka Buuhoodle, isla markaana anay ku kici doodin wax masuuliyad daro ah.

Wasiir Kaahin, ayaa kale oo uu sheegay in dadka Buuhoodle yihiin shacab lamid ah dadwaynaha kale ee ku dhaqan gobolada kale ee Somaliland, isla markaana anay rabin in wax dagaal ahi ka dhaco magaaladaas.

Maamul goboleedka Puntland, ayaa dhawaan ciidamo u diray magaalada Buuhoodle, ciidamadaas oo la arkayay iyaga oo lug ku maraya magaaladaasi.