Deni oo ku laabtay Garoowe, kana hadlay khilaafka kala dhexeeya Karaash

Deni-oo-ku-laabtay-Garoowe, kana-hadlay-khilaafka-kala-dhexeeya-Karaash

Garoowe (Aftahannews)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku soo guuldareystay doorashadii xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe.

Deni, ayaa waxaa soo dhoweyntiisa ka qeybgalay ku-xigeenkiisa khilaafka kala dhaxeeya Axmed Karaash, guddoomiyaha baarlamaanka, xubno ka tirsan xukuumaddiisa, xildhibaano iyo shacab.

Saciid Deni oo ku guuldareystay doorashadii madaxtinimada Somalia ee 15-kii May uu ku soo baxay Xasan Sheekh, ayaa waxaa khilaaf ka dhex qarxay isaga iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash oo sheegay in xilkii uu ka qaaday Deni maadaama uu jabiyay dastuurkii Puntland iskuna sharxay xilka madaxtinimada federaalka.

Madaxweyne Deni oo soo dhoweynta kadib hadlay, ayaa u mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay soo dhaweyntiisa. Sidoo kale waxa uu sheegay in Puntland ay ku faraxsan tahay Natiijada ka soo baxday doorashadii Madaxweynenimo ee ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo sidoo kale si dadban u soo hadal qaaday khilaafka kala dhaxeeya ku xigeenkiisa Axmed Karaash iyo sababta keentay.

“Markasta oo doorasho dhacdo dadku waa is qoonsadaan, marka sida dadka reer Puntland lagu yaqaanay waa in aynu hore uga soconaa, laysna cafiyaa dibna aan la eegin,” ayuu yidhi Madaxweyne Deni.