Erdogan oo kala hadlay Putin, howlgalka milateri ee waqooyiga Syria iyo dagaalka Ukraine

Istanbul (Aftahannews)- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa kala hadlay dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin, howlgalka milatari ee Turkigu uu qorshaynayo inuu ka fuliyo waqooyiga Syria iyo weliba dagaalka ka socda dalka Ukraine, sida uu sheegay xafiiska madaxtooyada ee dalka Turkigu.

Madaxweyne Erdogan, ayaa maalmihii la soo dhaafay wuxuu sheegay in dalkiisu uu qaadi doono duullaan ka dhan ah mintidiinta Kurdiyiinta ee ku sugan dalka Syria, si ay u abuuraan aag difaac oo nabdoon oo gaadhaya 30 KM.

Madaxweyne Erdogan oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweyne Putin, ayaa u sheegay in aagga difaaca ee dhinaca xuduuda Syria, in la isku afgartay sannadkii 2019 hase ahaatee aan la hirgelin, sida ay sheegtay madaxtooyada Turkigu. Ankara ayaa bishii October ee sannadkii 2019, waxay qaadeen hawlgal ay ku bartilmaameedsadeen kooxda kurdiyiinta ee YPG.

Gobolada u soo dhow xuduudda Syria ay la wadaagto Turkiga waxaa siyaabo kala duwan ugu sugan ciidamo ka kala socda dalalka Mareykanka, Ruushka iyo weliba ciidamo taabacsan maamulka dalka Syria.

Turkiga, ayaa kooxda YPG u arka inay tahay koox argagixiso oo xidhiidh la leh xisbiga laga mamnuucay dalka Turkiga ee Kurdistan Worker’s Party ama PKK, kaas oo kacdoon ka dhan ah dalka Turkiga soo waday tan iyo sannadkii 1984-kii, waxaana kacdoonnadaasi ay sababeen dhimashada tobanaan kun oo qof.

Inkasta oo dalka Turkigu uu u aqoonsan yahay kooxda YPG inay yihiin urur argagixiso, haddana ururkaas ayaa laf-dhabar u ah hawlgalka ciidamada Mareykanka ee dagaalka kula jira kooxda ISIS ee ku sugan dalka Syria. Mareykanka ayaan ku farxin duullaankii hore ee dalka Turkigu ku qaaday Syria.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan, ayaa sidoo kale u sheegay madaxweyne Putin, in Turkigu uu diyaar u yahay inuu dib u bilaabo, kaalina ka ciyaaro sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka socda dalka Ukraine.

Associated Press