Booliska Somaliland oo heegan la geliyay, kadib dibad-baxyadii Mucaaradka

Hargeysa (Aftahannews)- Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa waxaa saaka la geliyay heegan buuxa, kadib dibad-baxyadii ay ku baaqeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradku.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa waxaa uu saaka ciidamo booliis ah u kala diray xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay magaalada Hargeysa.

Taliyaha, ayaana waxaa uu ciidanka Booliska faray in ay gacan adag ku qabtaan cidkasta oo ku kacda wixii ka dhan ahna amniga dalka.

“Waxan idiin sheegayaa waxaynu u diyaar garoobaynaa abniga guddaha oo dhan in aynu gacmo adag ku qabano, cida doonaysa in ay ina khal khal galiso waxay doontaba ha ahaatee, amniga ayaynu adkaynaynaa, cidkasta oo doonaysa in ay amniga khal khal galisana u dul qaadan mayno ee labada gacmood ayaynu iskugu gaynaynaa” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale.

Taliyaha, ayaa sheegay in dhamaan ciidanka heegan la galiyay “Laga bilaabo imika ciidamadeena heegan baynu galinaynaa, waxaynu u diyaar garoobaynaa dhacdo kasta oo howlaha shaqooyin keena qaranka ku saabsan”.

Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa waxaa ay weli ku adkaysanayaan inay Sameynayaan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, iyagoo magacaabay gudi ka kooban 15 xubnood.

Waxaanay xukuumada ku eedeeyeen in ay faragelin ku hayso guddida doorashooyinka oo ay xubnaha ku caddaadinayso in ay is casilaan, iyagoo taageerayaasha mucaaradka ugu baaqay in ay ka falceliyaan ficilada xukuumadda, oo ay mudaharaad iskugu soo baxaan, marka loo baahdo.