Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Biixi iyo Ururada Bulshadda Rayidku?

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ururada Rayidka ah ee Somaliland ka jira.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda Somaliland waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socday ururadda bulshadda rayidka ee Somaliland ka dhisan, iyo xubno kale oo u dhaq-dhaqaaqa am aka shaqeeya arrimaha bulshadda.

Waxaana kulankaasi lagaga wadahadlay qodobbo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka ururadda siyaasadda iyo madaxtooyadda ee dalka ku soo foolka leh.

Sidoo kale, waxaa kulankaasi lagu falan qeeyay xoojinta nabad-gelyada iyo kaalinta Ururada Bulshada Rayidka ah ay ku leeyihiin arrimaha qaranka gaar ahaana doorashooyinka.

Waxaanu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, uga xog waramay xubnihii ka socday ururadda bulshadda rayidka xaaladaha dalka ka taagan.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey in Ururada Bulshada Rayidka ah ay qaataan kaalintooda waddaniyeed.