Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir oo la magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor

Muqdisho (Aftahannews)- Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ee NISA, Mahad Maxamed Salaad, ayaa caawa magacaabay Taliyaha Hay’adda ee Gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Agaasimaha NISA, ayaa waxaa Muxyadiin Warbac Shadoor loogu magacaabay taliyaha Hay’adda Nabad Sugida ee u qaabilsanaan doona Gobolka Banaadir.

Taliye Muxyadiin, ayaa ah sarkaal muddo dheer ku soo jiray Hay’adda Nabad Sugida, waxaana u yaalla howlo muhiim ah oo la xidhiidha ka qeyb qaadashada sugida Amniga Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Salaad, ayaa wada isbadalo uu ku sameynayo hoggaan qeybaha kala duwan ee Hay’adda oo shantii sanno ee la soo dhaafay ku milantay Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya.