Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Afgooye

Afgooye (Aftahannews)- Qarax miino oo maanta ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, xili lala eegtay Xuseen Jibriil oo degmada Afgooye ka soo noqday Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga.

Sida la xaqiijiyay, qaraxa waxaa uu dhaawac ka soo gaadhay Guddoomiye ku-xigeenkii hore Amniga degmada Afgooye Xuseen Jibriil iyo ruux la socday, walow uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaadhay dad shacab ah, xili uu marayay wadada u dhaxeeysa Suuqa Jaadka iyo Saldhiga degmada Afgooye, halkaas oo la sheegay in uu ka agdhaw yahay hoygiisa.

Waxaana dhaawacyada la geeyay Isbitaalka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa laga qaaday dhaawacyada, iyadoona la geeyay Isbitaalka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, ayaa gaadhay halka uu qaraxa miino ka dhacay kuwaas oo halkaas ka sameeyay baadhitaano la xidhiidha cidii ka dambeysay qaraxa, iyadoo ayna waxba ku soo qaban.

Xalay ayay ahayd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin nawaaxiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.