Doodii Dhexmartay Sh. Cali Warsame iyo Amiirkii Al-shabaab Axmed Godane

Hargeysa (Aftahannews)- Sheekh Cali Warsame Xasan oo ka mid ahaa culimada waaweyn kugu magaca dheer, isla markaana daaci nolloshiisa u huray faafinta diinta Islaamka oo gobolka Geeska Afrika iyo geyiga Soomaalida aad looga yaqaanay, ayaa hormood u noqday culimada kasoo horjeeda dagaalada ay wadaan Ururrada Islaamiga ah sida Al-shabaab.

Sh. Cali wuxuu ku geeriyooday caasimadda Amman ee dalka ‘Urdunniyyah Al-Hāshimiyyah Jordan 28 May 2022, Hijra 27 Shawaal 1443, isagoo 82 jir qiyaastii lagu sheegay dadiisa muddo lixdan sannadood ah ayuu ku jiray dacwada iyo fidinta diinta.

Dadka aqoonta dheer u lahaa, ayaa tafaasiil ka bixiyay aqoontii ay u lahaayeen iyo doorkii uu ku lahaa dacwada Islaamka oo muddo ku dhow lixdan sannadood uu ku jiray ilaa ka geeriyooday.

Sheekh Cali Warsame oo ka mid ahaa ama hormood u ahaa aas aasiyaashii ururka Al-Ithaad al islaami oo la unkay 1980-kii.

Dadka aqoonta u lahaa, ayaa sheegay inuu hormood u ahaa culimadii ugu horeysay ee Salafiga oo Soomaaliya ku faafiyey diinta islaamka iyo fahamka saxda ah ee caqiiqada, wuxuuna ahaa caalim si weyn, isagoo sidoo kale ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee ururkii Al-Itixaad, balse markii danbe uu iska casilay sagaasahnaadkii.

Sheekh Cali Warsame waxaa la xaqiijiyay inuu si toos ah uga horyimid dagaalladii ugu horeeyey ee uu galay ururkii Al-itixaad, siiba deegaanno ka tirsan Puntland iyo gobolka Jubbada Hoose. bilowgii dagaaladii sokeeye ee sagaasahnaadkii ka bilaabmay Soomaaliya, isagoo dagaalyahankii Al –itixaad ugu tegey deegaanka Saliid, markii laga soo saaray magaalada Boosaaso, isla markaana ka codsaday in ay iska kala tagaan,

khilaaf ka dhashay markii ay gacanta ku dhigeen Al-itixaad Col. Cabdullaahi Yuusuf iyo rag kale oo laysku khilaafay sida laga yeelayo, ayaa sababtay in laga saarao magaalada markii ay luntay kalsoonidii dhalinyarada dagaalyahanka ee Ururka Al-itixaad, wuxuuna Sh. Cali Warsame oo diidanaa dagaalka ku booriyay dhalinyaradii in ay deegaamadoodii u kala dareeraan, taas oo ay aqbaleen, sidaana uu dagaalku ku istaagay, sida ay sheegeen dad kala duwan oo si toos ah ula socday xaaladda iyo qaar ka mid ah shaqsiyaad xubno ka ahaa Ururkaa.

Sannadihii ugu dambeeyay wuxuu xubin ka ahaa ururka Al-ictisaam Bil Kitaab Wal Sunna oo ah ururka dhaxlay Al-Itixaad, balse fadwooyinkii u danbeeyay ayuu ku sheegay in loo baahanyahay in magacyada Ururo aan loo baahnayn ee la midoobo oo meel layska dhigo wixii khilaaf ah.

Sh Cali Maxamuud Xasan (Sh. Cali Wajiis), oo ka mid ah Culimada Soomaalida oo waraysi uu siiyay Telefishanka dawladda Federaalka ee Soomaaliya, wuxuu kaga hadlayo aqoontii uu Sheekh Cali Warsame u lahaa, ayaa sheegay Sheekh Cali, si weyn uga soo hor jeeday fekirka Alshabaab ee dhiiga dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, wxuuna isagoo hoggaaminaya koox culimada Soomaalida kuwa ugu waaweyn 2009, si toos ah u hordhigay dood fool-ka-fool ah hoggaamiyihii Al-shaabab Axmed Cabdi Godane, isagoo so cad ugu sheegay in afkaartooda ku salaysan gaalaysiinta muslimiinta aannay ahayn mid diinta aan meelna kasoo gelin, isla markaana ugu baaqay in ay kasoo laabtaan fekerka jihaadiga ah ee ay qaateen, taas oo sida uu sheegay muujinaysay sida aannu uga gacab Sh. Cali xaqa, balse Amiirka ayaa ku adkaysatay in aannay ka laabanayn mawqifkooda oo ay Sh. Cali iyo culimada kale isakga noqdaan haddii aannay ku jihaadka ka qaybgelayn, isla markaana ka daayaan dacaayado uu sheegay in culimada qaarkood ku hayaan jihaadka.

Sh. Cali, wuxuu kaloo la kulmay Sh. Xasan Daahir Aways oo Xisbul Islaam xilligaa hoggaaminayay, isla markaana dagaal kula jiray dawladdaha Soomaaliya loo soo macmacay, balse waxay Xisbul Islaam iyo Al-shabaab kala wateen laba aragtiyood, iyadoo ay ka midaysnaayeen dagaalka lagula jiro dawladda lagu soo dhisay dibedda, wuxuuna Sh. Cali Warsame xilligaa Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ku qancinayay in la joojiyo dagaalka oo ay wada hadlaan dawladdii uu hoggaaminayay Sh. Shariif Sh. Axmed, balse qorshahaasi ma noqon mid Sheekha iyo culimadii kale ku guulaystaan.

Allah u naxariistee, Sheekh Cali Warsame muddooyinkii dambe wuxuu ku noolaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaana lagu sifeeyay daaci weyn oo dedaal nafhurnimo ah geliyay fidinta diinta Islaamka, islaaxa iyo nabadaynta dadka,  isla markaana bulshada u haysay ixtiraam iyo qadarin weyn.