Soomaaliya oo ku biiraysa wadamo dhoolatus milateri ka samaynaya badda cas

Muqdisho (Aftahannews)- Soomaaliya, ayaa qorshaynaysa inay ku biirto lix wadan oo ku dhawaaqay inay samayn doonaan dhoolatus milateri oo ujeedkiiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka dalalka ku teedsan badda cas.

Dalalka lixda ah ee dhoolatuskan samaynaya, ayaa kala ah Masar, Sacuudiga, Urdun, Suudaan, Jabuuti, Yemen iyo kormeerayaal ka socda Soomaaliya.

Admiral Yahya bin Mohammed Al-Asiri oo ah taliyaha Ciidanka galbeedka dalka Sucuudga, ayaa xusay in dalalka ku teedsan Badda cas ay is-dhaafsan doonaan khibrado sare loogu qaadayo amniga baddaha iyo xoriyadda socdaalka badda cas.

Taliyaha howlgalkan hoggaamin doona oo lagu magacaabo Admiral Yahya, ayaa sheegay in  lixda wadan ay muujinayaan muhiimadda marin-biyoodku u leeyahay adduunka oo dhan.

Admiral Yahya, ayaa sheegay in marin biyoodkan uu yahay marin-biyood dhaqaale fiican leh sidaas darteedna ay u go’aansadeen inay sameeyaan dhoola-tuskan si ay u soo jiitaan adduunka intiisa kale.

Lixda wadan ee ka qaybgalaya dhoolatuska militari, ayaa waxay ku midaysan yihiin isbaahaysi lagu horumarinayo iskaashiga siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.