Abiy Ahmed oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Wakiilo ka socday Jabhadda TPLF

Xukuumada Abiy Ahmed oo ogolaatay arrin ay muddo ka diidanayd gobolka Tigray

Addis Ababa (Aftahannews)- Shabakad gaar loo leeyahay oo laga leeyahay dalka Itoobiya, ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed uu wadahadalo qarsoodi ah la yeeshay wakiillo ka socday Jabhadda Tigreega ee TPLF intii uu booqashada ku joogay dalka Nigeria oo uu todobaadkii hore tagay.

Warbaahinta dowladda Itoobiya iyo kuwa Nigeria, ayaa safarkiisa ku tilmaamay mid ujeeddadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska iyo farsamada, iyo waaxda macdanta iyo kuwo kale.

Shabakadda Borkena, ayaa intaa ku dartay in kooxda TPLF ay wafdi heer sare ah u dirtay Nigeria si ay wadahadalada uga qayb galaan.

“Berhane Gebrekirstos oo ka tirsan ururka TPLF, horena u ahaa xubin dhanka fulinta ah (TPLF), ahaana safiirka Itoobiya ee Mareykanka iyo ka dib Midowga Yurub, ayaa kooxda TPLF u matalay wadahadalkii qarsoodiga ahaa ee ka dhacay Nigeria.”

Jabhadda TPLF, ayaa dhawaan ku hanjabtay inay soo gabagabeyso diyaar garowga “dagaal adag” oo lagu soo afjarayo go’doominta ay ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa huwanta ah ku hayaan gobolka Tigray.