Raysal-wasaare Rooble oo kala Diray Guddiyadii doorashada Soomaaliya

Muqsisho (aftahannews):- Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kala diray Guddiyadii doorashada dadban, isagoo uga mahad celiyay sidii ay u maamuleen doorashooyinkii Golayaasha Baarlamaanka.

Go’aanka Raysal-wasaaraha, ayaa ku soo beegmay wax yar ka hor markii ay soo baxeen warar ku saabsan in guddiga doorashada uu qorshaynayo inuu fasaxo Kursiga Fahad Yaasiin ee hore loo hakiyay.

Raysal-wasaare Rooble, ayaa go’aankiisa kusii adkeeyay in kuraasta ay guddiyadu go’aamiyeen in dib loosoo doorto, ay doorashadooda maamulayaan guddiga qaran ee doorashoyinka Soomaaliya oo ay Guddoomiye u tahay Xaliimo Yarey.