Somaliland: Xisbiyada Mucaaradka ah oo Muddaharaad Dalbaday iyo Xukuumadda oo Diidday

Hargeysa (aftahannews):- Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa wasaaradda arrimaha gudaha u gudbiyey warqad ay ku dalbadeen muddaharaad salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan dib-u-dhac ku iman kara doorashada madaxtooyada iyo farogelin ay Xukuumadda ku eedeeyeen inay ku hayso Guddiga doorashooyinka Qaranka. Haseyeeshee, Xukuumadda, ayaa diidday inay aqbasho wax muddaharaad ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa maanta, ayaa sheegay in warqadda ay mucaaradku ku dalbadeen mudaharaadka, aanay u dhammaystirnayn shuruudihii looga baahnaa, sida in lagu xuso sababta, goobta iyo wakhtiga la qabanayo muddaharaadka.

Wasiirka Arrimaha Guddaha, ayaa sheegay in dastuurku uu u ogolaanayo in xisbiyadu ay mudaharaad qabsadaan, lakiin anay waraaqda codsiga mudaharaadka sidin masuuliyiintii soo qoray oo ahayd in ay iyagu yimaadaan si habka mudaharaadku uu u dhacayo looga wada tashado.

“Marka kowaad dastuurka qaranka Somaliland ayaa ogolaanaya mudaharaadka, warqadaasi markay ii timid waxaa siday saddex xubnood oo saddexda xisbi ka socda, may sidin masuuliyiintii soo qoray, oo ay ahayd in aanu halkan kaga wadahadalo oo aanu iswaydiino asbaabaha iyo sababaha, iyo arrimaha kale ee howlaha nabadgalyada la xidhiidha” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa sidookale sheegay in codsiga aan lagu caddayn, ujeedada mudaharaadka loo qabanayo, goobta uu ka dhacayo iyo taariikhda uu mudaharaadku dhacayo.

“Qaynuunku wuxuu qoraya marka ugu horaysa in la caddeeyo ujeedada mudaharaadka loo dhigayo, mar labaadka wuxuu qorayaa in la caddeeyo goobaha lagu qabanayo, mar saddexaadka waa in lagu qoraa taariikhda uu dhacayo” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in codsiyada mudaharaadka si faah faahsan loogu caddeeyo dhamaan qodobada uu waajibinayo xeerka maamulka nidaamka dadwaynaha, waxa uu sheegay in ay jiraan goobo mudaharaadka lagu qaban karo iyo goobo ka caagan, sida suuqyada ganacsiga iyo agagaarka isbitaalada.

Waxa uu inta raaciyay in uu ka war sugayo madaxda axsaabta mucaaradka, oo uu doonayo in ay isu yimaadaan, si meel layskula dhigo nidaamka iyo qorshaha mudaharaadka isaga oo sheegay in aanu wax mudaharaad ahi dhici karin inta ka horaysa “Arrinta ilaa laga wada hadlo cidii tidhaahda mudaharaad ayaan qabanaya waxaan u sheegay in uu yahay qayru sharci”.