Djibouti: Wasiir, Taliye iyo Dad kale oo Maxkamadi Xukun ku Ridday

Djibouti (aftahannews):- Maxkamad ku taalla dalka Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa min saddex sano oo Xadhig ah ku xukuntay Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Jabuuti Bodeh Axmed Rooble iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Jabuti Corneel Cabdullaahi Cabdi Farax, ka dib marki sida ay Maxkamaddu sheegtay lagu helay denbi ah in ay si sharci-darro ah u iibsadeen Cod sir ah oo la duubay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda Djibouti, ayaa lagu sheegay in Wasiir Boode iyo Taliye Cabdullaahi Cabdi ay saddexda sano ee xadhigga ah ku qaadan doonaan Xabsiga dhexe ee Gabood ee dalka Jabuuti.

Waxaa iyaguna mid shan sano oo Xadhig ah lagu xakumay Yabeh Siciid Geeldoon iyo Ibrahim Cabdi Geelle oo ay Maxkamaddu sheegtay in ay codka sirta ahaa ay dad kale la sii wadaageen.

Qoraalka laguma faah-faahin codkaasi sirta ah cidda laga duubay, cidda duubtay iyo nooca sirta toona, balse Idaacadda VOA-da oo aannu warkan ka soo xigannay, ayaa ogaatay, in dadka codka laga duubay uu ku jiro Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.

Qareennada Saraakiisha xakunka lagu ridday oo ay VOA la xidhiidhay ayaaney u suura-gelin inay hesho, sida lagu sheegay Warkan aannu ka soo xigannay Idaacadda.