Soomaaliyad Dishay Nin Kufsi kula Kacay oo Xeer-ilaalinta Masar Siiddeysay

Qahira (aftahannews):- Gabadh Soomaaliyeed oo 15 jir ah oo ku nool dalka Masar, ayaa si weyn u qabsatay warbaahinta dalkaasi iyo kuwa kale ee Carbeedba, kadib markii ay dishay Darawal Mooto-Bajaaj yar oo la sheegay inuu isku dayay inuu ku kufsado.

Gabadhan oo aan magaceeda warbaahinteeda laga sheegin, ayaa Mindi ku dishay Darwalka oo la sheegay isku dayay inuu kufsado, iyadoo falkaan kadibna ay isku dhiibtay booliiska dalkaas.

Sida laga soo xigtay wakaaladaha wararka ee maxaliga ah, Gabadha yar,  ayaa Bajaaj yar ka raacday gurigeeda oo ku yaallay degmada la yidhaahdo 6th of October City. Darawalkii ayaa ka faa’ideystay in aanay jirin rakaab kale oo la socday, waxaanu u kaxeeyay meel cidlo ah si uu u fara-xumeeyo, isagoo ka dibna Mindi qoorta ka saaray si uu u cabsigeliyo, ka dibna u kufsado.

Haseyeeshee, Gabadha, ayey u suurtagashay in ay mindida gacantiisa ka dafto oo ay xabbadka amma laabta kaga dhufato. Sida ay sheegtay, waxa ay mindida ku dishay iyada oo is-difaacaysa, dilkiisanna aanay ujeeddo kale ka lahayn, sida ay ku doodday Gabadhan yar oo Saldhigga Booliska orod ku tagtay markii ay Mindidq ku dhufatay Bajaajlaha, kana carartay isagoo nool oo dhaawac ah.

Xeer-ilaalinta oo markii hore go’aamisay in Gabadha lagu sii hayo Xabsiga Booliska muddo afar maalmood ah, ayaa maanta go’aamisay in laga saaro Xabsiga Baadhitaan la sameeyay ka dib.

Baadhitaan lagu sameeyay goobtii uu falka ku dhacay, caddeymo lagasoo aruuriyay iyo baaritaano dheecaaan ah oo laga qaaday gabadha kadib waxay Booliska xaqiijiyeen in falkaasi uu sax yahay sida ay gabadha ku caddeysay baaritaannada.

Warbixinta Denbi-baadhista, ayaa lagu sheegay in hab-dhaqanka Darawalka, ay sabab u ahayd dhimashadiisa ka dhalatay iskudayga uu ku doonayay inuu kufsi ugu geysto Gabadha yar.