Wasiir Kaahin oo shaaciyay hal arrin oo Muuse Biixi u cuskaday dalabka mucaaradka

Hargeysa (Aftahannews)-  Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland, ahna Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu sharciga u cuskaday tabashooyinka ay mucaaradku ka qabaan arrimaha doorashooyinka.

Wasiirka, ayaa waxa uu sheegay in shirkii ay xalay yeesheen madaxda mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland, ay mucaaradku ku dalbadeen in madaxweyne Biixi uu ka noqdo guddida uu u magacaabay u kuur galka khilaafka soo kala dhexgalay guddida doorashooyinka, furista urrurada siyaasada oo ay sharci daro ku tilmaameen iyo qabsoomida doorashada madaxweynaha oo ay walaac ka qabaan.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in madaxweyne Biixi uu dalabka mucaaradka u cuskaday sharciga, isla markaana uu u sheegay in uu sharciga u maray dhamaan talaabooyinka uu qaaday, isla markaana hadii ay caddeeyaan in talaabooyinkiisu ay sharci daro yihiin uu sharciga u hogaansami doono.

Wasiirka, ayaa sheegay in wadahadaladu ay soconayaan, oo hadii lagu kala koco kulamada hore kulamada danbe la heshiin doono, waxa kale oo uu sheegay in xukuumada Kulmiye anay qorshaha ugu jirin in ay dib u dhigto doorashooyinka.

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka, ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse ay u tageen isaga oo qorshihiisii uu dhisay diifacaya, isla markaana ku adkaystay go’aankiisii hore ee ahaa inuu furo Ururrada, sidoo kalena aanu diyaar u ahayn wadatashi.

Arrintan, ayaa timid kadib markii ay madaxweynaha Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka oo xalay ku kulmay madaxtooyada ay isku fahmi waayeen qodobadii ay kala tirsanayeen oo ku aadanaa arrinta furista ururrada siyaasada iyo doorashada madaxtooyada ta soo hormaraysa, iyada oona uu kulankaasi natiijo la’aan ku soo dhamaaday.