Madaxweyne Biixi oo Saxeexa buugga tacsida ee Madaxweynihii Geeriyooday ee Imaaraadka

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta booqday safaaradda ay dalka isu-tagga Imaaraadka carabtu ku leeyihiin magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha, ayaa waxaa booqashadiisa ku wehelinyay xubno ka tirsan goleyaasha kala duwan ee xukuumadiisa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqashadiisa kadib waxaa uu halkaasi ku saxeexay buugga tacsida ee madaxweynihii geeriyooday ee dalkaasi, Marxuum Sheekh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan oo dhawaan geeriyooday.

Sidoo kale, madaxweynaha oo ay wehelinayaan madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Aadan Xaaji Cali Axmed, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Guurtida, Siciid Jaamac Cali, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada, Siciid Mire Faarax (Giire) xildhibaanno iyo  xubno kamid ah golaha wasiirrada.

Waxaana ay saxeexeen buugga tacsida oo ka furan safaaradda dalka Imaaraadka ee Somaliland, waxana halkaas ku qaabilay safiirka safaaradda iyo diblomaasiyiin kale.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa hore tacsi la xidhiidha geerida madaxweynihii Imaaraadka ugu diray madaxda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.