Maxkamadda Sare ee Somaliland oo dhaarisay xubnaha Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku dhaariyay xubnihii guddiga diwaangalinta Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda.

Xubnaha guddiga diwaangalinta ururrada iyo axsaabta siyaasadda ee uu maanta dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ay tiradoodu dhamayd 4 xubnood, ayaa waxaa ansixiyay golaha Wakiillada.

Madasha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku dhaarinayay, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Guddoomiyaha, ayaa afarta xubnood ee la dhaariyay mid mid gacanta ugu saaray kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, waxana uu mariyay dhaarta ku xusan Qodobka 3aad, faqrada 10aad ee Xeer Lr. 14/2011, Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi  oo gebogebadii dhaarta hadal u jeediyey xubnaha la dhaariyey, ayaa kula dardaarmay inay waajibka saaran gutaan, shaqadoodana si hufan u bilaabaan, isaga oo Eebbe uga baryey inuu u fududeeyey shaqada baaxadda leh ee qaranku u igmaday.

Madaxweynuhu  waxa uu xubnaha maanta la dhaariyey oo tiradoodu 4 (Afar) uu xusay inay yihiin aqlabiyadii xubnaha guddidaas, shaqada loo igmadayna ay sidaas ku gudan karaan, maaddaama oo ay aqlabiyaddii yihiin, isaga oo ku adkeeyey inay hawshooda hore ka bilaabaan, si meesha looga saaro culaysyada la xidhiidha bilaabidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh, waxana uu yidhi, “Soo dhawaada xubnaha guddida diiwaangelinta ururrada ee kasoo gudbay codayntii Baarlamaanka, Toddoba xubnood bay ahaayeen, Afar baa ku guulaystay inay codkii kusoo gudbaan, Toddoba haddii ay ahaayeenna Afartu waa Aqlabiyad (Majority), culays badan baana  na saaran  oo in doorashooyinkii la dedejiyo oo maalin walba shaqo la qabto weeye.”