Shirqool lagu dili lahaa Bush oo uu ka dambeeyey nin Ciraaqi oo la fashiliyay

Columbus (Aftahannews)- Nin Ciraaqi oo magan-galyo siyaasadeed weydiistay Mareykanka, ayaa qorsheeyey inuu dilo madaxweynihii hore George W. Bush, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka Salaasadii.

Shihab Ahmed Shihab, oo ah 52 jir, ayaa u sheegay qof la shaqeeya FBI-da balse aanu ka war hayn, inuu doonayey inuu ugu yaraan afar qof oo kale oo Ciraaqiyiin ah usoo tahriibiyo Mareykanka isaga oo ka soo gelinaya xuduudda Mexico, si ay uga qeyb qaataan shirqoolka, sida ku cad kiis ay FBI-da ka diiwaan-gelisay maxkamad federaal oo ku taalla magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

Laba ka mid ah kooxda shirqoolka, ayaa noqon lahaa saraakiil hore uga tirsanaa sirdoonka Iraq, halka labada kale ay noqon lahaayeen xubnaha kooxda Daacish ama koox fadhigeedu yahay Qatar oo Shihab uu ku magacaabay “Al-Raciid.”

Shihab, ayaa u sheegay qofka la shaqeeya FBI-da inay doonayeen inay dilaan Bush oo amray duulaankii Ciraaq ee 2003, “sababtoo ah waxay dareemeen inuu mas’uul ka ahaa dilka Ciraaqiyiin badan iyo inuu burburiyey dalka oo dhan,” sida ku cad warqadaha Maxkamadda.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu adeer u ahaa hoggaamiyihii hore ee Daacish Abu Bakr al-Baghdadi, islamarkaana uu dilay dad Mareykan ah kadib duulaanka.

Shihab, ayaa la xidhay aroortii Salaasadii waxaana lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin dambi socdaal, iyo inuu kaalin iyo gacan ka gaystay isku day lagu dili lahaa mas’uul hore oo Mareykan ah.

Shihab oo degan Columbus iyo qofka la shaqeynayey FBI-da, ayaa shirqoolka gaadhsiiyey heer ay booqdaan magaalada Dallas ee gobolka Texas, si ay usoo eegaan meelaha uu degan yahay Bush, iyo inay ka wada hadleen sida lagu heli karo hub, dareeska ciidamada amniga iyo baabuur loo adeegsado shirqoolka.

Waxa uu sidoo kale weydiistay qof kale oo si hoose ula shaqeeya FBI-da balse aanu isaga ogeyn inuu gacan ka siiyo soo tahriibinta xubno ka tirsan qoyskiisa isaga oo u ballan-qaaday tobanaan kun oo dollar.

Shihab, ayaa Mareykanka ku yimid Visa booqasho bishii September 2020, wuxuuna magan-galyo dalbaday bishii March 2021 markii uu Visa-ha ka dhacay.

AFP