Mareykanka oo walaac ka muujiyay qorshe milatari oo uu damacsan yahay madaxweyne Erdogan

Washington (Aftahannews)- Mareykanka, ayaa walaac ka muujiyay qorshaha Madaxweynaha Turkiga Erdogan uu ku doonayo in uu dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo cusub uga bilaabo xudduudda koonfureed ee dalkaas, isagoo sheegay in weerar kasta oo cusub oo lagu qaado waqooyiga Suuriya uu wiiqayo xasilloonida gobolka, isla markaana uu halis gelinayo ciidamada Mareykanka.

“Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada iyo doodaha ku saabsan suurtagalnimada kororka dhaq-dhaqaaqa milatari ee waqooyiga Suuriya, gaar ahaan, saameynta ay ku leedahay dadka rayidka ah ee ku nool halkaas,” ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ned Price.

“Waan aqoonsannahay walaaca ammaanka ee dhabta ah ee Turkiga ee ka jira xudduudda koonfureed ee Turkiga, laakiin weerar kasta oo cusub wuxuu sii wiiqi doonaa xasilloonida gobolka wuxuuna halis gelinayaa ciidamada Mareykanka iyo ololaha isbaheysiga ee ka dhanka ah ISIS,” ayuu sii raaciyay Price.

Erdogan, ayaa Isniintii sheegay in Ankara ay dhawaan bilaabi doonto howlgallo cusub oo milatari oo laga sameeyo xuduudaheeda koonfureed si loo abuuro aagag nabdoon oo 30 km ah, si loola dagaallamo waxa uu ku tilmaamay khataraha argagixisada ee ka imanaya gobolladan.

Hawlgalkan ayay u badan tahay inuu bartilmaameedsado waqooyiga Suuriya, halkaas oo Turkigu dhowr ka fuliyay hawlgallo milatari tan iyo 2016, si uu u wiiqo unugyada hubeysan ee Kuriyiinta ee YPG iyo PKK.

Ankara, ayaa tan iyo sannadkii 2016-kii saddex duullaan ku qaadday waqooyiga Suuriya, iyadoo la wareegtay boqollaal Kiilo Mitir oo dhul ah, waxayna 30 KM gudaha u gashay dalkaas, iyadoo hawlgalladan inta badan lagu bartilmaameedsaday maleeshiyada Kurdiyiinta Suuriya ee YPG ee uu Mareykanku taageero.

Reuters.