Somaliland oo Cabasho u gudbisay Sucuudiga, eedayna u jeedisay Soomaaliya

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay si weyn uga biyo diiday tirada sannadkan laga siiyay dadka tegaya Xajka.

Somaliland, ayaa waxaa la siiyay 350 qof, tirada sannadkan tegaya Xajka.

Dowladda Sacuudiga ayay Somaliland u gudbisay cabashadeeda sida uu sheegay Wasiirka Diinta iyo Aw-qaaftu.

Xukuumadda Somaliland, ayaa ku eedaysay dowladda Soomaaliya in aanay si caddaalad ah u qaybin tirada la siiyay Soomaaliya iyo Somaliland oo dhan shan kun laba boqol iyo lix Xaaji.

Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay doonaysaa in Xajka sannadkan laga siiyo saamiga Boqolkiiba 40%.