Madaxweyne Biixi iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka oo kulan xaasaasi ah yeeshay

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa goor-dhawayd xarunta madaxtooyada Somaliland kulan ku yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo hoggamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID.

Kulankan oo uu gogoshiisa fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa ay dhinacyadu kaga arrinsanayeen khilaafka doorashooyinka Somaliland ee sannadkan dalka ka qorsheysan iyo furista ururada oo ay si weyn uga biyo diidan yihiin labada xisbiyada mucaradku.

Kulankan waxaa dhinaca mucaaradka uga qaybgalay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani iyo Guddoomiyaha xisbiga Waddani, sidoo kale waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada iyo Xisbigiisa Kulmiye.

Wararka, ayaa waxaa ay sheegayaan in aan wax natiijo ah laga gaadhin kulankaasi.

Xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland, ayaa aad iskugu khilaafsan furista urrurada siyaasada ee wakhtigan, waxaanay ku doodayaan in doorashada madaxtooyada oo ku beegan dhammaadka sannadkan la qabto, waxaanay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu furistooda uga dan leeyahay sidii uu meesha uga saari lahaa labada xisbi isla markaana uu u soo saari lahaa laba xisbi oo aan awood mucaaradeed lahayn.

Wixii faahin ah kala soco Shabakada Aftahannews