Aabe laba Caruur ah oo uu dhalay ku Gowracay magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Aftahannews)- Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in aabbe uu gowracay laba carruur ah oo uu isagu dhalay, iyada oo 24 saacadood kadib maydkooda la helay.

Labada carruur ah oo da’doodu lagu sheegay 12 jir iyo 13, ayaa Aabbaha dhalay ku gowracay qolka uu degenaa dhexdiisa, isagoo kadibna guriga dusha kaga soo xidhay markii uu dilay.

Dadka xaafadda, ayaa saaka barqadii dareemay urta maydka, waxayna jabiyeen qolka ay ku jireen carruurta, halkaas oo ay ku arkeen maydka labada wiil oo gowracan, arintaas oo dhalisay argagax.

Booliiska magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Abbahan gowracay labada carruur ah ee uu dhalay. Iyaga oo  tilmaamay in la soo qabtay isagoo jiifay qol ku dhegan qolka uu falka ku gaystay.

Booliiska magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa ay falkan la xidhiidhiyeen maandooriyayaal inkast oo uu baadhitaan socdo.