Joe Biden oo Shaaciyay in dalkiisu awood Milatari ku difaacayo Taiwan

Joe Biden.jpg

Tokyo (Aftahannews)- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu awood Milatari ku difaacayo Dalka Taiwan haddii Duullaan Milatari kaga yimaaddo Dalweynaha Shiinaha.

Hadalka Biden ka soo yeedhay oo gebi ahaanba baal-marsan siyaasadda Mareykanka ee ku wejahan xidhiidhka Shiinaha, waxa markiiba xaraaraddiisa dejiyey afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka oo sheegay inaanay waxba iska beddelin siyaasadda Washington.

Waa Markii saddexaad muddo dhowr bilood ah ee madaxweynaha Mareykanku si cad u sheego in Mareykanku tallaabo milatari qaadayo haddii Shiinuhu Awood ku muquuniyo Taiwan, waxaana saddexda jeerba ka daba-hadley Aqalka Cad oo sheegay inaanay waxba iska beddelin Siyaasadda Mareykanka ee ku wejahan midnimada Shiinaha oo aamisan in Taiwan qayb ka tahay dhulweynaha Shiinaha.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’iisal wasaaraha Japan oo si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay magaalada Tokyo, ayaa su’aal laga weydiiyey haddii Mareykanku tallaabo Milatari qaadayo haddii Shiinuhu weerar ku qaado Taiwan.

Mid ka mid ah suxufiyiinta, ayaa madaxweynaha Mareykanka weydiiyey su’aal u dhignayd:- “Dagaalka ka soo socda Ukraine waxaad go’aansateen inaydaan farogelin milatari ku yeelan sababo badan oo muuqda awgeed. Ma idiin qorsheysan tahay inaad tallaabo Milatari qaataan oo difaacdaan Taiwan haddii ay tanoo kale dhacdo?”

Waxaanu Mr Biden ku jawaabay, “Haa, Taasi waa ballan-qaadkii aanu galnay. Waanu aaminsanahay Siyaasadda midnimada Dalweynaha Shiinaha oo aanu saxeexnay, laakiin waxaanu yeelayno maaha fekerka odhanaya xoog hala isku muquuniyo,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo tan iyo markii la doortay booqashadii u horeysay ku tagay qaaradda Eeshiya.

Dalweynaha Shiinaha, ayaa inta badan sheegta in jasiiradda Taiwan qayb ka tahay dalweynaha Shiinaha, in kasta oo Taiwan leedahay dowlad iyo calan madax-bannaan isla markaana aqoonsi ka haysta waddamo tiro badan oo Somaliland ka mid tahay.

Mareykanka, ayaa taageero milatari oo dhinacyo kala duwan u fidiya Taiwan oo dadka ku nool lagu qiyaaso 23 Milyan.