Biden oo booqasho ku tagey dalka Japan

Tokyo (Aftahannews)- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa waxaa uu booqasho la xidhiidha dhaqaalaha ku tagay dalka Japan.

Waa lugtii labaad ee booqashadan oo ah tii u horreysay ee Biden uu Asia ku tago illaa intii uu madaxweynaha noqday.

Biden, ayaa laba maalmood oo aad u mashquul badan halkaas ku joogi doona. Maalintii Isniinta ah waxa uu la kulmayaa Ra’iisal Wasaaraha Japan, Fumio Kishida iyo boqorka dalka, Naruhito.

Waxa uu sidoo kale horumarin doonaa hindisaha ganacsi ee dalalka badan ku jiraan. Talaadadana waxa ay is arki doonaan hogaamiyeyaasha India, Australia, iyo Japan. Waa shirmadaxeed ay yeelanayaan afartan waddan oo ka wada tirsan ururka Quad.

Biden, ayaa ka degay gegida dayuuradaha Yokota oo ah xarun ciidan oo ku taalla duleedka Tokyo, ka dib laba maalmood oo uu ku soo qaatay dalka Kuuriyada Koonfureed.

Socdaalka Korea-da Koonfureed, ayaa ahaa mid hoosta ka xariiqaya in Mareykanka ay ka go’an tahay inuu dhaqaale galiyo gobolkaas.

Saraakiisha Mareykanka, ayaa sii saadaaliyey in Kuuriyada Woqooyi ay tijaabin doonto gantaalada hubka nuclearka qaadi kara iyo bambooyin inta madaxweynaha Mareykanku uu gobolka booqanayo.

Kuuriyada Woqooyi, ayaa waxaa ay iska dhago tirtay dadaal ay Washington ku doonaysay inay xidhiidh kula sameyso.