Saraakiil Milateriga Somaliland ka tirsan oo ka Qalin-jebisay Kulliyadda Ciidanka Itoobiya

Addis Ababa (Aftahannews)- Laba sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Milateriga Somaliland, ayaa waxaa ay ka mid noqdeen Dufcaddii ugu horaysay ee ka qalin jabisay Kulliyadda Difaaca ugu sarreysa Itoobiya ee tababarta heerarka istaraatiijiyadeed ee militariga ee (Ethiopian Defence War College-DWC).

Xafladda qalin jebinta saraakiishan, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya, iyadoo 38 sarkaal oo xirfadleyaal ah oo ka kala socday meelo kala duwan ay noqdeen kuwii ugu horreeyay ee ka qalin jebiya Kulliyadda Difaaca ee Federaalka Itoobiya.

Ka sokow ka soo qayb galka qalin jebinta saraakiishan ee ay ka soo qayb galeen qaar badan oo ka mid ah saraakiishii sar sare ee ciidamada iyo nabad sugida Itoobiya, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay qoyskii iyo asxaabtii ardayda qalin jabisay iyo waliba saraakiisha ciidamada ee fadhigoodu yahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Labada sarkaal ee ka tirsan ciidanka milateriga Somaliland oo madasha qalin jabinta ku sugnaa, ayaa kala ahaa Gaashaanle Sare Axmed Xasan Faarax iyo Gaashaanle Sare Maxamed Xaaji Ciise.

Qalin jabiyeyaasha oo ay ku jiraan saraakiil ciidan iyo xirfadlayaal rayid ah, ayaa ku soo noqonaya saldhigyada shaqada iyaga oo ah hogaamiyayaal xirfad leh oo karti u leh arrimaha istaraatiijiyadeed ee caalamiga, gobolka iyo qaranka.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo madasha qalin jabinta hadal ka jeediyay, ayaa ku booriyay Saraakiisha qalin jabisay in ay sii wadaan dadaalkooda aqooneed iyo in ay la wadaagaan dadka kale.

Dowladda Faderaalka Itoobiya, ayaa waxa ay tobabar siisaa saraakiisha Ciidamada Somaliland, iyada oo sannadihii la soo dhaafay saraakiisha ciidamada Somaliland ay ka faa’iidaysteen tababbarka Itoobiya siiso.

Kulliyada Difaaca Dagaalka ee Itoobiya, ayaa si buuxda u hawlgashay Oktoobar 2019 iyada oo ah machad cilmi-baadhiseed iyo istiraatijiyadeed ee ugu horreeya iyo heerka koowaad ee Itoobiya.

Waxay awood u leedahay inay soo saarto hoggaamiyeyaal sare oo milateri iyo rayid ah oo si wax ku ool ah u wajihi kara khataraha amniga ee murugsan, siinayana xal iyo jihayn iyagoo abuuraya iskaashi habaysan oo lala yeesho ciidamada kale ee amniga qaranka iyo kuwa gobolka.

Saraakiishan, ayaa marka ay machadka tabobarka ka qalin jebiyaan waxaa lagu qalabeeyaa aqoon iyo xirfado awood u siinaya in ay falanqeeyaan ilaha, isbeddellada iyo fursadaha amniga caalamiga, gobolka iyo qaranka iyo danaha qaranka iyada oo la eegayo siyaasadda iyo istiraatiijiyadda amniga qaranka, faham qotodheer oo ku saabsan dagaalka iyo caqiidada milatariga iyo xirfadaha qorsheynta, abaabulka iyo hogaaminta si wax ku ool ah hawlgallada milatariga.