Somaliland: Wasaaradda Maaliyadda oo digniin u dirtay Shirkaddaha Isgaadhsiinta

Hargeysa (Aftahannews)- Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa waxaa ay digniin culus u dirtay Shirkaddaha Isgaashiinta Somaliland ee ka hawlgala dalka.

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa sheegtay iyadoo ka duulaysa xeerarka shuruucda dalka iyo xeerka cashuuraha dalka ee ku waajibiyay shirkaddaha Isgaadhsiinta cashuuraha, islamarkaana dib u dhac ku yimi xilligii ay wajibka ahayd in ay bixiyaan cashuuraha ku waajibay.

Sidaa awgeed waxay wasaaraddu soo saartay digniin kama dambays ah oo lagu wargelinyo shirkaddaha Isgaadshiinta dalka in ay muddo cayiman kusoo bixiyaan cashuuraha ku baaqday ee sannadkii 2021.

Wasaaradda maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay si cad u sheegtay in shirkaddii muddadaa ku bixinweyda cashuurta ku waajibtay tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo.

Wasaaradda Somaliland, ayaa waxaa ay shirkaddaha Isgaadshiinta dalka ugu baaqday in muddada loo qabtay ku soo bixiyaan dhammaan cashuuraha ku waajibay ee sannadkii hore 20221.