Madaxtooyada Soomaaliya oo war ka soo saartay xil-wareejinta Xasan Sheekh iyo Farmaajo

Muqdisho (Aftahannews)- Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa), ayaa sheegay inay meel geba-gebo ah mareyso xaflada xil-wareejinta Xasan Sheekh iyo Farmaajo, taasi oo loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka socda Xasan iyo Farmaajo.

Afhayeen Cabdirashiid, ayaa sheegay in maalinta berri ah ay tahay maalinta rasmiga ah ee la qabanayo xaflada xil-wareejinta, taasi oo ku taariikheysan 23-ka bisha May.

“Guddiga waxa uu go’aamiyay maalinta Isniinta inay noqoto maalinta la qabanayo munaasibada xil wareejint, munaasibadaas oo ka qabsoomi doonta Madaxtooyada ayna xilka kula kala wareegi doonaan labada madaxweyne,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, waxa uu xusay in xaflad xil-wareejinta ay ka qeyb-gali doonaan madaxda Soomaaliya oo kaliya, islamarkaana ayna jirin mas’uuliyiin dalal shisheeye oo lagu casuumay.

“Xil-wareejinta waxa kasoo qeyb-gali doonta madaxda Soomaaliyeed ee ku sugan caasimada, haddii ay ahaan laheyd madaxda dowlad federaalka iyo dowlad goboleedyada, Guddoonka baarlamaanka, xukuumadda wey kasoo qeyb-gali doonta.”

Shalay ayay aheyd markii uu Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay sida wada-jir ah kormeer ugu sameeyen Madaxtooyada Soomaaliya.

Labada Madaxweyne oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee Soomaaliya, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.