Human Rights Watch oo Warbixin ka soo saartay Ciidamada Mareykanka ee dib loogu soo celinayo Somalia

Muqdisho (Aftahannews)- Hay’ada Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch, ayaa warbixin ka soo saartay ciidamada Mareykanka ee haatan dib loogu soo celinayo Soomaaliya, si ay markale qayb uga noqdaan dagaalka Al-Shabaab.

Human Rights Watch, ayaa uga digtay ciidamada Mareykanka inay geystaan tacadiyo ka dhan ah bani’aadanimada, gaar ahaan waxyeeleynta dadka shacabka ah, xilliyada ay geysanayaan weerarada dhanka iyo duqeymaha ka dhanka cirka ah.

Agaasimaha gobolka ee Human Rights Watch, ayaa xusay in sii socoshada waxyeeleynta shacanka ay keeneyso kalsooni dhex-marta ciidamada iyo shacabka.

“Dhaqanka ciqaabta la’aanta ee khasaaraha rayidka ah wuxuu dhaliyaa cadho iyo kalsooni darro ka dhex dhacda dadweynaha wuxuuna wiiqaa dadaallada lagu dhisayo dowlad ixtiraam leh,” ayuu yidhi agaasimaha gobolka ee Human Rights Watch.

Dhankiisa Agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch, Laetitia Bader, ayaa shaaca ka qaaday inay tahay in ciidamadeeda Mareykana ay caddeeyaan, sida ay uga go’an tahay inay yareeyaan khasaaraha shacabka soo gaadha, si looga fogaado dhibeetooyin.

“Saraakiisha Mareykanka waa inay si cad u caddeeyaan sida ciidamadoodu ay uga fogaanayaan inay waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed inta lagu guda jiro howlgallada milateri,” ayuu yidhi Laetitia Bader oo ah Agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch.

Mareykanka, ayaa Soomaaliya ku soo celinaya illaa 700 oo askari oo uu hore looga saaray Soomaaliya, kuwaas oo garab siinaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.