Wasiir Kaahin: “Xisbiyada Mucaaradku ha ku soo noqdaan Xayndaabka Qarannimo ee Somaliland oo ka fog Federaalka..”

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyay xaflad xisbiga Kulmiye ugu dabbal-degayay 20 guuradii ka soo wareegtay aasaaskii xisbigaasi, ayaa eedaymo kulul u jeediyay hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Wasiir Kaahin, ayaa waxaa uu xisbiyada mucaaradka ku eedeeyay inay rabaan federaalka Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay ku soo noqdaan xayndaabka qaranimo ee Somaliland.