Madaxweyne Biixi oo Sheegay inuu fulinayo Sharciga Furista Ururrada Siyaasadda

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in furista Ururrada Siyaasaddu tahay Sharci, sidaa awgeedna uu fulinayo Sharciga oo uu furayo Ururrada, isla markaana aanay Xisbiyada Mucaaradku ahi is hortaagi karin fulinta Sharciga.

Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad ka jeediyay  20-guurada ka soo wareegtay aas-aaskii Xisbiga Kulmiye oo maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxaa uu sheegay in furista urrurada siyaasadda ay sharci tahay.

Halkan hoose kaga bogo Muuqaalka Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlaya qodobkaas iyo kuwo kale:-