Xogo kooban oo ku saabsan Taariikhda Xisbiga KULMIYE ee 20 Sanno Jirsaday

Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, waxa uu jiraa ama ay da’diisu tahay 20 sanno, iyadoo tirsiga taariikhdiisa laga soo bilaabayo maalintii sida rasmiga ah loogu dhawaaqay KULMIYE oo ahayd 22 May 2002  iyadoo ay maalintaas si wada-jir ah ugu dhawaaqeen Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), Md. Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) iyo Daa’uud Maxamed geelle (Alle ha u naxariisto marxuum Fagadhe iyo Daa’uud Maxamed Geelle).

Shirweynihii ugu horeeyey ee KULMIYE waxa uu qabsoomay maalin Axad ah oo bishu tahay 11 August 2002, waxaannu socday muddo saddex maalmood ah, waxaanna shirweynahaas si rasmi ah loogu doortay xubnaha hoggaanka xisbiga KULMIYE oo kala ahaa; Axmed Silaanyo oo loo doortay guddoomiyaha xisbiga, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad oo loo doortay Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), Guddoomiye-ku-xigeenka 2aadna waxa loo doortay Marwo Siraad Cali Yuusuf, halka Xoghayaha guud ee KULMIYE loo doortay Daa’uud Maxamed Geelle, waxa kaloo lagu doortay xubnaha Golaha Dhexe ee KULMIYE, waxaana lagu ansixiyey xeerka xisbiga.

KULMIYE waxa uu ka mid ahaa Ururradii siyaasadda ee ka qaybgalay doorashadii Golayaasha Degaannada Somaliland oo qabsoontay sannadkii 2002, isagoo ku guulaystay inuu ka mid  noqdo saddexda xisbi qaran ee doorashadaas ku soo baxay oo kala ahaa; UDUB, KULMIYE iyo UCID, halka sidoo kale uu ka qaybgalay doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday sannadkii 2003, iyadoo uu doorashadaasna ay tiro codad ah oo aad u yar ku guulaysteen murrashaxiintii xisbiga UDUB oo ahaa Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, kadibna waxa uu KULMIYE noqday mucaarid adag oo dhinac walba ka gilgilay Xukuumaddii UDUB.

Shirweynihii labaad ee KULMIYE waxa uu qabsoomay sannadkii 2008, iyadoo uu olole adag kadib KULMIYE ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay bishii June ee sannadkii 2010-kii, waxaana codadka ugu badan helay murrashaxiintii KULMIYE ee ahaa Axmed Silaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici oo noqday Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, waxaannu KULMIYE haddana mar kale ka mid noqday saddexda xisbi qaran ee ka soo baxay doorashadii Golayaasha degaanka ee la qabtay sannadkii 2012 oo kala ahaa KULMIYE, UCID iyo WADDANI, iyadoo uu shirweynihii 3aad qabsaday bishii April ee sannadkii 2014, iyadoo shirkaasna lagu doortay Guddoomiyaha labaad ee soo mara KULMIYE oo noqday Md. Muuse Biixi Cabdi, halka sidoo kale lagu doortay afar Guddoomiye-ku-xigeen.

KULMIYE waxa uu mar labaad ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 13 November 2017, iyadoo Madaxweyne uu noqdoy Md. Muuse Biixi Cabdi, halka Ku-xigeenkiisuna noqday Cabdiraxmaan Saylici.

Taariikhdu markii ay ahayd 4 October 2020, waxa qabsoomay shirweynihii 4aad ee KULMIYE, kaasoo lagu soo doortay hoggaanka sare ee hadda haya xilka oo uu ugu horeeyo

Madaxweyne Muuse Biixi oo markiisii labaad loo doortay jagada  Guddoomiyaha KULMIYE.

Axadda berri oo bishu tahay 22 May 2022, wax uu xisbiga KULMIYE u dabbaal-degayaa sannad-guurada 20-aad ee ka soo wareegtay aasaaskiisii, waxaannu talada dalka Somaliland hayey laga soo bilaabo bishii July 2010 iyo ilaa hadda oo lagu jiro 2022.

W/Q: Weriye: Maxamed Cirro