Madaxweynaha Somaliland oo Hoygiisa ku Booqday Axmed Silaanyo

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu gurigiisa ku booqday caawa fiidkii Madaxweynihii Afraad ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna aas-aasihii Xisbi xaakimka Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo).

Madaxweynaha, ayaa waxaa booqashada ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha gudaha ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed

Ujeeda booqashada Madaxweyne Biixi, ayaa la xidhiidha, ka hor xuska Sannad Guuradda 20aad ee ka soo wareegtay aad-aaskii Xisbiga Kulmiye oo ay maalinta berri ah ku beegan, iyada oo uu rukumada u taagay Axmed Silaanyo.

Waxaanu madaxweynuhu Alle uga baryay madaxweynaha hore inuu cimriga iyo caafimaadkaba u siyaadiyo kuna simo guulaha uu ku tallaabsano  Qaranka Somaliland iyo xisbigii uu seeska u dhigay 20 sanno ka hor.