Maxkamad ku taalla Puntland oo Amartay in la soo Xidho Wasiiro iyo Agaasimeyaal

Garoowe (Aftahannews)- Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ee maamul goboleedka Puntland, ayaa qabatay gal dacwadeed ka dhan ah shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay ka dambeeyaan ka ganacsiga iyo dhoofinta geedka Quwaaxa ee loo dhoofiyo wadamada Imaaraadka iyo Shiinaha.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Aw-cismaan, ayaa waaran u jaray Maanta mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland iyo kuwo hadda xil haya oo ku eedeysan dhoofinta dhirta iyo geedaha.

Mas’uuliyiinta arrintan ku lug yeeshay ee waaranka loo jaray, ayaa waxaa ka mid wasiiro, agaasimayaal iyo dad shacab ah inkastoo ayna weli maamulka Puntland qaadin tallaabo lagu soo qabanayo dadka waaranka loo jaray.

Magacyada mas’uuliyiinta maxkamadda looga yeedhay, ayaa waxaa kamid ah:-

1- Cabdisamad Maxamuud Maxamed Muuse, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsciga Puntland.

2- Liibaan Maxamed Faarax Barre, agaasime ka tirsan wasaaradda deegaanka.

3- Cabdiraxmaan Salaad Showle.

4- Naciimo Jaamac Cumar Jaqaloon.

5- Cabdinaasir Abshir Gaayir.

Sidoo kale, laba wasiir oo kamid ah mas’uuliyiinta waaranka loo jaray oo aan la magacaabin, ayaa waxaa la sheegay in loo mari doono sharciga si xasaanadda looga qaado una fududaato in maxkamadda la keeno.

Maxkamadda, ayaa sheegtay inay dib ka soo gudbin doonto wakhtiga loo fadhiisanayo dacwadda, waxayna amar ku bixisay in si deg deg ah loo keeno maxkamadda dadka la soo eedeeyey.

Arrintan, ayaa ku soo beegmaysa xilli ay si weyn deegaanada Puntland uga socotay maalmahaan dhoofinta dhirta iyo geedka quwaaxa, waxaana meelaha sida weyn looga dhoofinayo kamid ah Burtinle, Eyl iyo meelo kale.