Wefdi Somaliland ka socda oo la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Raysal Wasaaraha UK

London (Aftahannews)- Wefdi ka socda xukuumada Somaliland oo ku sugan dalka Ingiriiska, ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin sare oo ka tirsan xafiiska raysal wasaaraha dawladda Ingiriiska Boris Johnson.

Kulan oo shalay qabsoomay, isla markaana aan faahfaahin dheeraad ah laga hayn, ayaa lagu sheegay in lagaga wada hadlay danaha labada wadan.

Kulanka oo dhinaca Somaliland ay ka qeybgaleen Wasiirka arrimaha dibedda Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo la taliyaha Hay’adaha ee Madaxweynaha Somaliland Mr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa fariin uu kulanka ka dib bartiisa Twitter ku baahiyey ku sheegay.

”Wefdi xukuumada ah oo u hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiil sare oo ka tirsan xafiiska raysal wasaaraha Ingiriiska. la taliyaha Madaxweynaha Mr. Jaamac ayaa qoraalkkiisa sii raaciyey, “wuxuu ahaa kulan muhiim ah, wax badan oo cusub ayaa dhowaan iman doona.”

Jaamac Muuse Jaamac, ayaa bogaadiyey Xildhibaan Gavin williamson & Tom Tugendhat iyo cid kastoo kaalin la qaadatay qabsoomida kulanka. dhinaca kale wefdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibedda Dr Ciise, qeybna ka yihiin Wasiir-xigeenka Ganacsiga Muuse Selef iyo gudoomiyaha hay’adda Tayadda Md. Muuse ayaa kala qeybgalay xuska dabaaldega 31 guurada maalinta qaranimada jamhuuriyadda Somaliland ee 18 may. munaasibada xuska ayey sidoo kale ka soo qeybgaleen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ingiriiska.