Mukhtaar Roobow oo markii ugu horeysay ka soo muuqday Baraha Bulshada

Muqdisho (Aftahannews)- Mukhtaar Roobow oo muddo saddex sano iyo badh ah u xidhnaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa markii u horreeyay u tegay siyaasiyiin ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Ninkan oo mar ahaa ku xigeenka hogaamiyaha Al-Shabaab ka hor inta aanu isu soo dhiibin dowladda Soomaaliya, ayaa u muuqday mid caafimaad qaba.

Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ayaa hore u sheegtay in kharash ka badan 7 kun oo dollar ay bishiiba ku bixiso noolasha iyo waxbarashada Mukhtaar Roobow.

Arrintan, ayaa ku soo beegmaysa, kadib markii ay Soomaaliya gashay isbeddel siyaasadeed oo cusub islamarkaana ay meesha ka baxday dowladdii soo xidhay ee uu hoggaaminayay Farmaajo.

Wararka, ayaa sheegaya in la oggolaaday Mukhtaar Roobow in ay booqasho ugu taagan qoyskiisa. Wareysi qarsoodi ah oo lix bilood ka hor ay VOA Soomaali la yeelatay, ayuu ku sheegay in tan iyo markii la soo xidhay loo diiday in la booqdo.

Dhammaadkii December sannadkii hore, wasiirka amniga Soomaaliya, ayaa hay’adda nabad sugida ka dalbaday inay muddo 24 saac ah faahfaahin kaga soo bixiso xaaladda Mukhtaar Roobow.